Wasiirada arrimaha dibadda ee Masar iyo Suudaan ayaa wada kulamo ay uga hadlayaan amniga biyaha iyo taageerada Soomaaliya

 Masar iyo Suudaan oo ka wada hadlay amniga biyaha iyo taageerada Soomaaliya


Masar iyo Suudaan

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Masar iyo Suudaan ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay wadahadallo ay kaga wadahadleen amniga biyaha iyo taageerada Soomaaliya, waxaana Badar Abdel-Ati iyo Ali Al-Shariif ay ku nuuxnuuxsadeen sida ay lagama maarmaanka u tahay ilaalinta, isku xirka iyo iskaashiga labada dal si loo ilaaliyo amnigooda biyaha.

Dhanka Soomaaliya, labada wasiir waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo in la taageero dadaallada dalka Geeska Afrika ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku sii shareertay bishii Janaayo 2024 markii Itoobiya ay heshiis la gashay maamulka ka go’ay Somaliland, kaasoo u ogolaanaya Itoobiya inay gasho xeebaheeda gacanka Cadmeed, taasoo Soomaaliya ay u aragtay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda Ankara si ay u xalliso khilaafka jira ee u dhaxeeya, balse waxaa jira caqabado weli hortaagan hirgelintiisa.

Post a Comment

0 Comments