Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

 Soomaaliya ayaa 54 sano kadib ku biirtay Golaha Amaanka


Soomaaliya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib 54 sano.

Soomaaliya waxay ka mid noqotay shan iyo tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka. Waxa uu kursigan ku matali doonaa Bariga Afrika muddo laba sano ah oo ka bilaabmaysa January 1, 2025 ilaa 2026.

Soomaaliya ayaa jagadan loo doortay bishii June 2024, waxaana golaha isku mar ku biiray Pakistan, Panama, Denmark iyo Greece.

Post a Comment

0 Comments