Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo ku baaqay in la aqoonsado Somaliland
Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa dawladda dalkiisa ugu baaqay inay aqoonsato Somaliland.
Williamson oo ku caan baxay taageerada qaddiyadda Somaliland waxa uu yidhi: “Kadib doorasho xor iyo xalaal ah oo ay Somaliland si nabad ah xilka kula kala wareegtay, si ka duwan dalalka ay jaarka yihiin, waxa la gaadhay wakhtigii Ingiriisku u aqoonsan lahaa Somaliland dal madax-banaan”.
Waxa uu intaasi ku daray in muddo dheer la sugayey aqoonsiga Somaliland, balse la gaadhay xilligii dawladda Ingiriiska iyo dawladaha kale ee saaxiibka la ah sida Maraykanka ay qaadi lahaayeen tallaabo ay ku aqoonsan lahaayeen Somaliland.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay sii kordhayaan wakiilada Maraykanka iyo Ingiriiska ee taageera aqoonsiga Somaliland, iyadoo in ka badan 20 mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Ingiriiska ay hore u shaaciyeen inay taageersan yihiin aqoonsiga Somaliland, waxaana sidoo kale xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka ay wadaan dedaallo lagu doonayo in lagu aqoonsado Somaliland. heli aqoonsiga Somaliland.

0 Comments