Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Jabuuti
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan kulamo ay uga wada hadlayaan arrimaha gobolka Geeska Afrika, marka laga soo tago in ay ka wadahadlaan sii wadista taageerada Jabuuti ee Soomaaliya.
Booqashadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo socdaalkan uu qayb ka yahay dhowr waddan oo Afrikaan ah, kaasoo ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo dalalkan.

0 Comments