Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Ereteriya si uu wadahadal ula yeesho Afwerki
Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebreskel ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta oo Arbaca ah booqasho shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.
Gebreskel ayaa sheegay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu Maxamuud ku qaabilay garoonka caalamiga ah ee Asmara, halkaas oo uu ka helay "soo dhaweyn diiran."
Wasiirka ayaa intaa ku daray in ajandayaasha ay ka mid yihiin in laga wada hadlo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii wax looga qaban lahaa “arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta guud.

0 Comments