Xadhiga Xildhibaan Maxamed Aviv oo lagu xidhay madaarka Hargeysa ayaa waxa ka dhashay falcelin baahsan
Ciidamada amaanka Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha Igal International ee magaalada Hargeysa ku xiray Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah mudanayaasha caanka ah ee golaha wakiilada Somaliland, kadib markii uu ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta.
Xadhiga Aviv ayaa waxa uu ka dhashay falcelin balaadhan oo ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka ah iyo waxgaradka Somaliland, kuwaas oo ku tilmaamay talaabada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mid xad-gudub ku ah xoriyatul qawlka iyo xeerarka sharciga ah.
Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa dhowr todobaad ka hor soo jeedisay warqad ay u dirtay Yaasiin Xaaji Maxamed “Furtoon” oo ah guddoomiyaha golaha wakiillada, si xasaanadda looga qaado xildhibaan Aviv.

0 Comments