Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Beijing si uu uga qeyb galo shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah gaaray magaalada Beijing si uu uga qeyb galo shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.
Waxaa ku qaabilay madax sare oo ka tirsan Shiinaha oo ku weheliyay hoyga uu ka degan yahay caasimadda Shiinaha.
Shir-madaxeedkan ayaa socon doona inta u dhaxaysa 4-ta ilaa 6-da September, waxaana ujeedadiisu tahay in la is dhaafsado khibradaha, xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed, qiimaynta guulihii hore, iyo sidoo kale in la dejiyo qaab cusub oo lagu hago xidhiidhka Shiinaha iyo Afrika.
0 Comments