Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saxiixay afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka oo wax laga beddelay

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay nuqulka dastuurka oo wax laga beddelay


Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay fiidkii oo Axad ahayd saxiixay afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka oo wax laga beddelay.

Madaxweyne Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay in dhameystirka dastuurka uu kor u qaadayo dimuquraadiyadda iyo sinnaanta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in la dhiso hay’ado dowladeed oo tayo leh.

Munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoonka baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga dib u eegista dastuurka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments