Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax ka bedelka 4-ta cutub ee ugu horeeya Dastuurka

 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedelka dastuurka KMG ah


Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka KMG ah ee dalka kadib dhowr todobaad oo doodo kulul ay ka yeesheen baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamuud Nuur “Madoobe” ayaa ku dhawaaqay in 212 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 42 Xildhibaan ay u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka, iyadoo aysan jirin cid ka aamustay ama diiday.

Qodobada qabyo qoraalka ah ee la ansixiyay ayaa waxaa ka mid ah in dalka uu yeesho madaxweyne ay soo doortaan shacabka Soomaaliyeed, kaasoo isna soo magacaabi doona xilkana ka qaadi doona Ra’iisul Wasaaraha.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka, iyagoo ku micneeyay inuu yahay mid u gogol xaarayo in talada dalka uu gacanta ugu jiro Madaxweynaha.

Post a Comment

0 Comments