Madaxweynaha Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay 4 safiir
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah ka guddoomay nuqullo ka mid ah warqadaha aqoonsiga safiirnimo 4 safiir oo loo soo magacaabay Soomaaliya, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Safiirada ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo ayaa kala ahaa Safiirka Turkiga Alper Akta iyo Danjire K.K. Theshatha ee Sri Lanka, Ambassador Mary Charlotte ee Filibiin, iyo Ambassador Yoo Sung-joon ee Kuuriyada Koonfureed.
Madaxweyne Maxamuud ayaa soo dhoweeyay danjirayaasha loo soo magacaabay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaalida iyo dalalkooda.
0 Comments