Diidmada habraaca wax ka bedelka dastuurka dalka oo uu Baarlamaanka ka doodayo

 Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka soo horjeedaan hanaanka wax ka badalka Dastuurka dalka


Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

In ka badan 70 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan hanaanka wax looga bedelayo Dastuurka dalka oo todobaadyadii la soo dhaafay uu Baarlamaanka ka doodayay.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in 45-qodob oo ka mid ah dastuurka wax laga bedelay, laguna daray 19-qodob oo aan lagu soo darin dastuurkii hore ee KMG ahaa, waxayna tilmaameen inaysan qayb ka noqon doonin wax ka bedelka hadda socda, kaasoo ay ku sheegeen inay ka mid yihiin qodobbo kale. waxay ku tilmaameen mid gabi ahaanba meesha ka saaray dastuurka.

War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannada baarlamaanka ayaa lagu yiri: “Waxaan aad uga walaacsanahay hannaanka wax looga beddelayo dastuurka iyo haykalka dowladnimo ee lagu heshiiyey, kaasoo dhaawacaya midnimada qaranka iyo xasilloonida siyaasadeed.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in heshiiskii wax ka bedelka dastuurka ee ay ansixiyeen golaha wada tashiga qaran sanadkii hore uusan ahayn mid lagu heshiiyey talo qaran, maadaama ay ka maqan tahay maamul goboleedka Puntland, waxaana lagu eedeeyay in guddoonka baarlamaanka ay ka gaabiyeen in ay ixtiraamaan kala saarista awoodaha. hay'adaha dawliga ah.

Post a Comment

0 Comments