Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray caasimadda Eritrea

 Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Asmara


Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay oo Axad ahayd gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya, halkaas oo uu uga bilaabanayo booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogi doono dalka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Mudane Cusmaan Saalax.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa, loona horumarin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya dalalkooda, kor u qaadida iskaashiga labada dal, horumarinta gobolka iyo caalamka ee danaha guud.

Post a Comment

0 Comments