Xamza Cabdi Barre ayaa kormeeray xarumaha ciidamada booliska iyo nabadsugidda Soomaaliya

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xarumaha Booliska iyo Nabadsugida


Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarumaha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu warbixin ka siiyey xaaladda amni ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar daarmay laamaha amniga inay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay sugaan amniga qaranka, isla markaana ay u diyaar garoobaan weerarada cadawga ay ku doonayaan inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in muhiimadda dowladda ay tahay sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab oo dadka ku gumaadaya, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado ciidamada dowladda iyo shacabka.

Post a Comment

0 Comments