Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu $100 milyan ku bixin doono saldhigyada cusub ee ciidamada

 Mareykanka ayaa ciidamada Soomaaliya ku taageera 100 milyan oo doolar


Maraykanka

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday in 100 milyan oo dollar ay ku bixineyso saldhigyada cusub ee ciidamada, iyadoo ujeedka uu yahay in dhamaadka sanadkan ay ciidamada Soomaaliya kala wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka ee AMISOM.

Arrintan ayaa ka dambeysay kulan dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur iyo Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka Shane Dixon, kaasi oo ay kaga wada hadleen xoojinta dadaallada lagula dagaalamayo argagixisada iyo kor u qaadista amniga Qaranka.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan soo gabagabeysay heshiis dhanka amniga ah oo ay la gashay dowladda Soomaaliya, kaasi oo lagu dhisayo ciidamo Soomaaliyeed oo qaadi kara mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments