Dab khasaare geystay ayaa maanta ka kacay qeybo ka mid ah suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana dabkan uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in dabku uu ka bilowday halka loo yaqaan “Cabdali Shideh” ka hor inta uusan si deg deg ah ugu fidin baqaarada lagu iibiyo dharka, alaabta guryaha iyo dahabka.
Ilaa hadda ma cadda sababta keentay in dabka uu kaco, waxaana suuqa soo gaaray gaadiidka dab damiska iyo ciidamada ammaanka si ay u damiyaan.
0 Comments