Xasan Sheekh ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway Andreas Kravik

 Madaxweynaha ayaa la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway


Xasan Sheekh iyo Andreas Kravik.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway Andreas Kravik, oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada horumarka, amniga, la dagaalanka argagixisada, xasilinta deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay dadaallada lagu horumarinayo amniga iyo dhismaha dowladnimada, sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay Norway in ay kordhiso doorkeeda horumarineed, waxna ka qabato saameynta isbeddelka cimilada iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka.

Dhankiisa, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway ayaa bogaadiyay horumarka ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhismaha dowladnimada, isagoo tilmaamay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo caawinta dowladda.

Post a Comment

0 Comments