Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Ingiriiska
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamzah Cabdi Barre, ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda dawladda Ingiriiska oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Ingiriiska, Sir Philip Barton.
Intii uu socday kulanka, ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa la xoojiyay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, xasiloonida, iyo mashaariicda horumarineed ee Ingiriisku ka fuliyo dalka.
0 Comments