Daah-furka Mabaadi’da Nabadda ee Muqdisho
Mashruuc cusub oo lagu horumarinayo wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta, Mabaadi’da Nabadda, ayaa lagu daah-furay magaalada Muqdisho Arbacadii, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre, iyo wakiillo ka socday hay’adaha maxaliga ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Berri oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inuu rajeynayo in Soomaaliya ay dhawaan noqoto meel nabad ah, wada hadal, dimoqraadiyad iyo horumar.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Hay’adda Mabaadi’da Nabadda oo uu sheegay in ay ka shaqeyso Soomaaliya. Waxa uu xusay in ay dhasheen xilli cabsi badan ay ka jirtay caalamka, balse ay doorteen inay ka shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta. Waxa uu intaasi ku daray in iskaashigooda Soomaaliya uu si weyn u kordhin doono.
Ugu dambeyn, Berri ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ay hormuud ka tahay arrimaha dib u heshiisiinta, isla markaana ay muhiim tahay in la isku xiro howlaha nabadeed ee dalka ka socda.
0 Comments