Xasan Sheekh oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Kenya u soo magacawday Soomaaliya

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka Kenya


Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Kenya u soo magacawday Soomaaliya, Cyprian Kubayi Iringo.

Danjire Cyprian Kupay ayaa madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Kenya William Ruto. Wuxuu muujiyay sida uu u jecel yahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya oo ku saleysan danaha guud ee labada dhinac.

Waxaa xusid mudan in xiriirka labada dal ee dariska ah uu ku yimid horumar muuqda tan iyo markii Maxamuud mar kale loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya May 15, 2022.

Post a Comment

0 Comments