Wakiilka Shiinaha Zhang Jun ayaa ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah ee dadaalka Soomaaliya

 Ergeyga Shiinaha ayaa ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya


Zhang Jun

Ergeyga joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhang Jun ayaa Isniintii ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah ee dadaalka Soomaaliya si loo gaaro xasillooni siyaasadeed, kala guur amni iyo dib u dhiska dhaqaalaha iyo bulshada.

Shirkii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya, ayuu Zhang ku sheegay in danta iyo taageerada Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ee Soomaaliya aysan hoos u dhicin, sababtoo ah 2024-ka ayaa muhiim u ah hannaanka siyaasadda dalka, kala guurka amniga iyo dib u dhiska qaranka.

Zhang ayaa sheegay in Shiinuhu uu taageerayo dhammaan dhinacyada Soomaaliya ka jira in khilaafaadkooda lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi iyo horumarinta geeddi-socodka siyaasadda kala guurka ah.

Waxa uu yiri “Waa in la ogaadaa in doorashada nidaamka siyaasadeed iyo tubta horumarka ay tahay arrin gudaha Soomaaliya u taalla. Beesha Caalamku waa in ay u hoggaansantaa mabda’a ay Soomaalidu hoggaamiso iyo mid ay Soomaalidu leedahay, kana fogaadaan in hab dawladnimo oo dibadda laga keeno.” 

Isagoo ka hadlayay isbadalka dhanka amniga ee Soomaaliya, Zhang wuxuu sheegay in beesha caalamka ay tahay inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka taageerto sidii loo xoojin lahaa guulihii laga gaaray la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida marxaladdii hore.

Waxa uu intaasi ku daray inay lagama maarmaan tahay in laamaha amniga Somalia laga taageero sidii loo dhisi lahaa mas’uuliyad weyn oo dhanka amniga ah, isagoo xusay in sidoo kale loo baahan yahay in la taageero dhaqaalaha iyo dib u dhiska bulshada Somalia.


Post a Comment

0 Comments