Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Haayada Ka Hortaga Aafooyinka Qaranka Oo U Mahadnaqay Imaaraadka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdullaahi ayaa xarunta safaaradda ee magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Juma Al Rumaithi.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii looga tacsiyeyn lahaa geeridii dhowaan lagu dilay saddex sarkaal oo geesiyaal ah oo lagu dilay xerada Jeneraal Gordon, xilli ay Soomaaliya u joogeen dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Mudane Maxamuud Macalin ayaa intii uu kulanka socday uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
0 Comments