Dowladda hoose ee Muqdisho ayaa mamnuucday xirashada indho-shareerka iyo koofiyadaha sababo ammaan dartood
Dowladda hoose ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday xirashada koofiyadaha iyo indho-shareerka, kuwaasoo si weyn loo isticmaali jiray tan iyo markii uu cudurka Corona ka dillaacay dalka sannado ka hor.
Afhayeenka dowladda hoose ee caasimadda, Saalax Xasan Cumar, ayaa Arbacadii sheegay in go’aankan lagu gaaray shirkii amniga ee dhawaan ka dhacay Muqdisho, kaasoo uu guddoominayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Cumar ayaa ku micneeyay in xirashada wajiyada ay hadda u muuqato in shaqsiyaadka ay ka qarinayaan hay’adaha ammaanka, isagoo u soo jeediyay inay gabaad ku yihiin dambiilayaasha falalka amni darro ka geysanaya Muqdisho.
Maamulka ayaa sidoo kale dadka hubka sita ka mamnuucay in ay raacaan mootooyinka ama tuktuk-tuk, balse waxa ay meesha ka saareen koofiyadaha ay xirtaan dadka da'da ah, ee loo yaqaan "barwaniya."
Bishii December ee la soo dhaafay, Taliyaha Booliska Caasimadda, Mahdi Cumar, ayaa beeniyay warar sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay ka hortagtay xirashada Maaskaro, Cimaamad, Koofiyado iyo xijaab si wax looga qabto ammaanka Muqdisho.
0 Comments