Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar ayaa Xafiiskiisa ku qaabilaya Xarunta Wasaaradda Cyprian Iringo oo ah Safiirka Kenya

 Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Kenya


Cali Maxamed iyo Cyprian Iringo, Safiirka Kenya

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cyprian Kubayi Iringo, isagoo ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo, isagoo noqday Safiirka cusub ee Kenya u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Cumar ayaa intii uu kulanka socday u rajeeyay safiirka in uu ku guuleysto howsha loo igmaday, taasoo ka qeyb qaadan doonta xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah ee dhinacyada kala duwan.

Danjire Iringo Iringo ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta wanaagsan ee uu u sameeyay wasiirka, wuxuuna ballan qaaday inuu xoojin doono iskaashiga labada dal.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada Midowga Afrika ka joogaan Soomaaliya, waxayna Nairobi ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, isla markaana ay xuduudaheeda uga ilaaliyaan weerarro uga yimaada kooxdaas.

Post a Comment

0 Comments