Cudur dahsoon ayaa sababay dhimashada xoolo badan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay

 Cudur dahsoon ayaa sababay dhimashada xoolo badan oo ka dhacay magaalada Maxaas


Gobolka Hiiraan, bartamaha Soomaaliya

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu ka dilaacay cudur la yaab leh oo sababay dhimashada xoolo badan.

Dadka ku dhaqan degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada oo warbaahinta la hadlay ayaa ku macneeyay in dhawaan uu ka soo muuqday cudur aan la garaneyn oo xoolaha la laayay.

Madaxa maamulka magaalada Xamaas ee gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta ay khuseyso inay soo farageliyaan sidii loo xalin lahaa dhibaatadan caafimaad, isagoo muujiyay cabsida uu ka qabo in cudurkan dahsoon uu ku dhaco dadka.

Post a Comment

0 Comments