Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ansixiyay xubinnimada dalka ee Ururka Bulshada Bariga Afrika

 Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ansixiyay xubinnimada dalka ee Ururka Bulshada Bariga Afrika


Golaha Shacabka Soomaaliyeed

Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa fadhi ay maanta oo Sabti ah ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen ka mid noqoshada dalalka Bariga Afrika.

Ansixinta Golaha ee heshiiska ayaa waxa ay dhabaha u xaareysaa dhamaystirka xubinimada Soomaaliya ee kudlad goboleedka, ka dib sodon sano oo colaad iyo xasilooni darro ah.

Ka dib markii la helo ansixinta baarlamaanka, mas'uuliyadda hadda waxay saaran tahay Golaha Wasiirrada ee Bulshada Bariga Afrika si ay u sii wadaan geeddi-socodka.

Bartamihii bishii December, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay heshiis uu dalkiisa si buuxda uga mid noqonayo Urur Goboleedka IGAD, isagoo noqday Xubintii Sideedaad ee Ururkaas marka laga reebo Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, South Sudan, Tanzania, Rwanda iyo Uganda. 

Post a Comment

0 Comments