Xasan Sheekh, ayaa kula kulmay Xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, Mudane Danjire Axmed Juma Al Rumaithi

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya


Xasan Sheekh iyo Mudane Danjire Axmed Juma Al Rumaithi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho kula kulmay Safiirka, Danjire Axmed Juma Al Rumaithi, isagoo uga tacsiyeeyey askartii Imaaraatka ee lagu dilay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisadu ku dileen. ayaa laba maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay Danjire Axmed Al-Rumayti muhiimadda uu leeyahay xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyo sidii loo xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa xusid mudan in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka mid tahay dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya dhinacyada amniga, bini’aadantinimada iyo horumarinta.

Post a Comment

0 Comments