Xasan Sheekh ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland

 Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kismaayo


Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaca ah gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin caan ah oo ka tirsan dowlad goboleedka oo uu ugu horeeyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, madaxweynaha maamulkaasi, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalo xeebeedka waxaa lagu wadaa in uu kulan la qaato madaxda Jubbaland oo uu kala hadli doono xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalka iyo dardar gelinta howlgalada ciidamada ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa xusid mudan in Xarakada Al-Shabaab ee taabacsan Al-Qaacidda ay weli gacanta ku hayaan deegaanno badan oo ka tirsan maamulka Jubaland, sida magaalada Bwaale oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulkaas, isla markaana ah xarunta ugu weyn ee xarakada.

Post a Comment

0 Comments