Wasiirka Batroolka Soomaaliya Oo Shaaciyay Xiliga La Soo Saaray Shidaalkii Ugu Horeeyay Ee Laga Soo Saaro Xeebaha Dalka
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ku socdo wadadii uu ku bilaabi lahaa soo saaristii ugu horeysay ee Shidaalka sanadkan gudihiisa.
Maxamed ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay shidaal ka soo saarto 7 baloog oo shidaal ah oo ku yaalla xeebaha dalka, gaar ahaan deegaannada ay ka kala tirsan yihiin dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Sida uu sheegay wasiirku, waxa hadda socda qiimayntii u dambaysay ee dedaalka sahaminta shidaalka, ka sokow dedaallada socda ee lagu qiimaynayo saamaynta deegaanka ee goobaha laga soo saarayo shidaalka.
Waxaa xusid mudan in 2022-kii ay Soomaaliya heshiis la gashay shirkadda “Coast Line Exploration” ee fadhigeedu yahay magaalada Houston ee gobolka Texas, si ay shidaal uga baarto ugana soo saarto 7 goobood oo badda ah.

0 Comments