Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

 Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dalka


Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karen Johansson.

Wada hadalkooda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo arrimaha la xiriira amniga, horumarka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee ka socda Soomaaliya.

Intii uu kulanka socday ayuu danjiruhu carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka jirta guud ahaan dhulkeeda.

Bishii la soo dhaafay, Sarkaal ka tirsan Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Midowga Europe, Josep Borrell ayaa mar uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Somalia, Maxamuud ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo Madax-bannaanida Dhulka Somalia, kaddib markii maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland uu heshiis muran badan dhaliyay la saxiixday Itoobiya.

Post a Comment

0 Comments