Mudane Maxamuud Macalin Cabdallah, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka

 Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo la kulmay saraakiil ka socotay Hay’adda Mareykanka


Mudane Maxamuud Macalin Cabdallah

Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Macalin Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Mareykanka oo ay hogaamineysay madaxa xafiiska hay’adda ee Soomaaliya Sherry Nuwan Duncan Jones.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay ka hortagga leexinta gargaarka, ka hortagga musiibooyinka, sidii xasilooni loogu heli lahaa deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo arrimaha la xiriira abaaraha soo noqnoqday.

Moallem ayaa uga mahadceliyay hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah gargaarka iyo howlaha horumarineed ee ay ka waddo dalka, isagoo dhankiisa ballan qaaday inay sare u qaadi doonaan fulinta qodobbadii laga wada hadlay.

Post a Comment

0 Comments