Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay bixinta gargaar bini'aadantinimo oo qiimaheedu dhan yahay 171 milyan oo Yuuro

 Midowga Yurub ayaa Soomaaliya siiya xirmo gargaar bini'aadannimo oo ku kacaya 37 milyan oo Yuuro


Midowga Yurub

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay bixinta gargaar bini'aadantinimo oo qiimaheedu dhan yahay 171 milyan oo Yuuro si wax looga qabto baahiyaha isa soo taraya ee ka taagan gobolka Geeska Afrika oo ay ka jiraan colaado badan.

Midowga Yurub ayaa 37 milyan oo Yuuro u qoondeeyay in lagu taageero Soomaaliya oo ah dal ay ka jiraan abaaro, fatahaado, colaado iyo amni darro.

Gargaarka loo qoondeeyay Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaallada bani’aadanimo ee ballaaran ee uu Midowga Yurub ka wado gobolka Geeska Afrika, kaasoo ay ka mid yihiin gargaarka Jabuuti (€500,000), Itoobiya (€38 milyan), Kenya (€11.5 milyan) iyo Koonfurta Suudaan (€49.5). milyan). iyo Uganda (27.5 milyan oo Yuuro). Intaa waxaa dheer, €7 milyan ayaa loo qoondayn doonaa barnaamijyada u diyaargarowga masiibooyinka gobolka.

Post a Comment

0 Comments