6.9 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doona gargaar bini'aadantinimo sanadka 2024-ka

 Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in 6.9 milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar


Barnaamijka Cunnada Adduunka



Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in 6.9 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar bini’aadantinimo sanadka 2024-ka.

Barnaamijku waxa uu tilmaamay in daadadka ka dhashay El Niño, abaarihii ka horreyay, iyo colaadaha ay sababeen kor u kac ku yimid qiimaha cuntada oo ay sababeen cunto yari.

Barnaamijka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu u baahan yahay US$342.2 milyan dhaqaale saafi ah oo loogu talagalay dhammaan hawlaha lixda bilood ee soo socota si loo ballaariyo wax ka qabashada bini'aadantinimo ee Soomaaliya.

Bishii Oktoobar ilaa December 2023, Soomaaliya waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah oo geystay daadad aad u daran, kuwaas oo saameeyay 2.4 milyan oo qof, waxaana ku barakacay hal milyan oo qof, waxaana fatahaadda ay gebi ahaanba baabi’isay dalagyadii ku teedsanaa webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Post a Comment

0 Comments