Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay wakiil ka socda Qaramada Midoobay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Soomaaliya Charles Mbala.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mbala kala hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa hirgelinta mashaariic horumarineed si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay howlaha ay guddiga ka wadaan dalka oo ku saleysan arrimaha mudnaanta u leh dowladda, isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay in laga fiirsado u diyaar garowga roobabka da’aya.
Dhankiisa, wakiilka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee Soomaaliya, Charles Mbala, ayaa ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta leh ee labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan si guul loo gaaro.
0 Comments