Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka caasimadda Muqdisho

 Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, xilli ay soo dhowdahay Munaasabadda Ciidul Fidriga


Caasimadda Muqdisho

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay amniga caasimadda Muqdisho, iyadoo la guda galay maalmaha ugu dambeeya ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa saacadihii la soo dhaafay si weyn loo adkeeyay ammaanka, iyadoo la soo dhoobay ciidamo sugaya ammaanka, isla markaana la dhigay jidgooyo cusub oo la soo dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Waxaa xusid mudan in suuqyada caanka ah iyo goobaha ganacsiga si aad ah isha loogu hayo, iyadoo ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda la dhigay goobo istaraatiiji ah si ay uga hortagaan khataraha amni ee keeni kara.

Post a Comment

0 Comments