In ka badan 80 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgallada ciidamada ay ka sameeyeen 3-da gobol
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dishay in ka badan 80 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgalo ay ciidamadu ka sameeyeen gobollada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, howlgalkii ugu horeeyay oo ka dhacay meel u dhow magaalada Haratiri ee gobolka Mudug ayaa lagu dilay 40 ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab.
Warku wuxuu intaa ku daray in howlgalkii labaad oo ay iska kaashadeen saaxiibo caalami ah lagu beegsaday dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Daaru-Caanama ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo lagu dilay in ka badan 35-xubnood oo ka tirsan ururkaas.
Howlgalka Saddexaad oo ka dhacay deegaano ka tirsan Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa waxaa lagu soo afjaray lix maleeshiyo.
Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ay dib u qabsadeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda.
0 Comments