Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya dalkaas
Maanta oo Sabti ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka dib markii la yareeyey deymaha lagu leeyahay dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday mashaariicda bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed ee ay ka fulineyso Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimada iyo Gargaarka ee Boqor Salmaan ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray taageeridda barnaamijyada xasilinta ee goobaha laga saaray Al-Shabaab.
Berri ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sacuudiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dalkiisa iyo sida ay mar kale uga go’an tahay taageeridda madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

0 Comments