Midowga Yurub ayaa ku adkeysanaya in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax banaanida Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku baaqaya in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya kadib heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland


Midowga Yurub iyo Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa Talaadadii ku adkaystay in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay heshiis muran badan dhalisay la saxeexatay Somaliland.

Midowga Yurub ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay jeclaan lahaayeen in la xasuusto muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan dastuurkeeda iyo axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

"Tani waxay lama huraan u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan," ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay afhayeen u hadlay Midowga Yurub.

Talaadadii, Soomaaliya waxay ballan qaaday inay difaacayso dhulkeeda, waxayna heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ku tilmaantay “Weeraro.” Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay u yeedhay safiirkeeda u fadhiya Itoobiya, waxaanay beesha caalamka ka codsatay inay garab istaagto sidii loo wajihi lahaa. "Weerarka qaawan" ee lagu hayo madax-banaanideeda.

Post a Comment

0 Comments