Dabley hubeysan ayaa dilay Ex Xildhibaan Ibraahim Saalax Deif

 Xildhibaan hore oo lagu dilay Muqdisho


Ibraahim Saalax Deif

Fiidnimadii Jimcaha ayaa kooxo hubeysan waxa ay dileen Xildhibaan hore Ibraahim Saalax Dhifallah, kadib markii uu ka soo baxay Masjid ku yaalla Xaafadda Wadjar ee Magaalada Muqdisho, waxaana u suurtagashay in ay ka baxsadaan goobtii ay falka ka geysteen.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Dhaifallah, oo uu sheegay in uu horay uga tirsanaan jiray Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, isla markaana uu muddo dheer u soo shaqeeyay shacabka.

Barre waxa uu tilmaamay in dilka Xildhibaanka hore uu muujinayo hab dhaqanka xun ee dadka uu ku tilmaamay Khawaarijta ee beegsada Aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed kadib markii looga itaal roonaaday goobaha dagaalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryey marxuumka in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo imaan ka siiyo.

Post a Comment

0 Comments