Gaas ayaa walaac ka muujiyay xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland
Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”, ayaa walaac ka muujiyay xiisadda siyaasadeed iyo tan doorashada ee ka sii dareysa ee ka jirta deegaanada maamulkaasi, xilli ay ku beegan tahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.
Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in Puntland ay la daalaa dhacayso go’aanka cusub ee ay qaateen salaadiinta gobolada Khaatumo oo si lama filaan ah ugu dhawaaqay inaysan ka qeyb galayn doorashada Puntland.
Go’aanka salaadiinta ayaa sii murjiyay xaaladda maamulkaasi oo in muddo ahba la ildarnaa khilaaf u dhaxeeya maamulka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa ka soo horjeeda, kaasi oo shaki gelinaya in doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto.
Cabdiweli Gaas ayaa soo noqday Madaxweynaha Puntland intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2019. Mid ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxtinimada ee lagu wado in ay ka dhacdo Puntland horraanta sanadka soo socda.
0 Comments