Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay siyaasiyiin heer sare ah

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay siyaasiyiin heer sare ah oo uu kala hadlay arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray arrimaha wax ka bedelka dastuurka.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in labada dhinac ay isla garteen in la sii wado wadatashiyada siyaasadeed iyo in maamul goboleedka Puntland lagu soo celiyo golaha wada tashiga qaran.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, wakiilo ka socday Abd al-Rahman Abd al-Shakoor Rasmi iyo C/qaadir Asbali.

Post a Comment

0 Comments