Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ballan-qaadayaa inuu wax ka bedeli doono ammaanka Muqdisho billowga sanadka cusub
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in bilowga sanadka cusub ee 2024-ka la qaadi doono isbaarooyinka yaalla waddooyinka magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay kulan lagu soo bandhigayay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga Muqdisho ayaa tilmaamay in dowladdu aysan horumar sameyn karin haddii aan la sugin amniga, taasoo uu sheegay inay tahay furaha nolosha oo dhan, isagoo baaq u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed. si ay u xoojiyaan doorkooda ku aaddan ciribtirka Al-Shabaab.
Xamza ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladiisa ay soo saartay sharciyo muhiim ah oo la xiriira amniga caasimadda, kuwaasi oo qeyb ka qaatay isbadalka amni ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uuna ku amaanay laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir dadaalka iyo wadashaqeynta ay sameeyeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo caalamka ay qiimeynayaan talaabooyinka la qaaday, kadib markii laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saaran dalka, lagana cafiyay deymaha lagu leeyahay.
Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, aqoonyahanno, odayaal dhaqameed, haween, waxaana lagu soo bandhigay muuqaallo iyo warbixino muujinaya guulaha laga gaaray iyo tallaabooyinka la qaaday. amniga caasimadda.

0 Comments