Saraakiisha ugu sareysa laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa kulan ay uga hadleen istaraatiijiyada amniga ku yeeshay magaalada Muqdisho

 Iyagoo ka wada hadlaya istaraatiijiyadda amniga Muqdisho 2024-ka


Shir ay isugu yimaadeen saraakiisha sare ee amniga

Saraakiisha ugu sareysa laamaha amniga ee magaalada Muqdisho ayaa kulan ay uga hadleen istaraatiijiyadda amniga Muqdisho ee sanadka 2024-ka iyo hagaajinta amniga caasimadda.

Kalfadhiga waxaa shir guddoominayay Maxamed Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka. Agaasimayaasha degmooyinka caasimadda Muqdisho, saraakiil ka tirsan laamaha kala duwan ee nabadsugidda oo ay ku jiraan booliiska iyo booliiska milateriga.

Saraakiisha ciidamada ammaanka caasimadda ayaa warbixino dhinacyo badan taabanaya siiyay mas’uuliyiinta, iyagoo uga warbixiyay qorshayaasha cusub ee lagu sugayo amniga Muqdisho sanadkan.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta amniga magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda la saarayo feejignaanta sare, baaritaanka guud ee gaadiidka, baaritaannada shaqsiyaadka isaga kala goosha Muqdisho.

Iyagoo aqoonsanaya xaaladda amniga ee isbedelaysa, mas'uuliyiintu waxay isku raaceen in la kordhiyo inta jeer ee shirarka amniga si loo xaqiijiyo cusbooneysiinta iyo dadaallada wadajirka ah ee looga jawaabayo caqabadaha soo baxaya.

Post a Comment

0 Comments