Doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland
Baarlamaanka Maamulka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Garoowe ku doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulkaasi, waxaana ku tartamay 4 musharax.
“Siciid” ayaa ku guuleystay wareegii koowaad ee doorashada isagoo helay 37 cod, kadib markii musharixiinta kale ay diideen inay u gudbaan wareegga labaad ee doorashada.
Cabdul Razaaq Axmed Saciid oo lagu tiriyo in ay aad isugu dhow yihiin Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u ahaa Madaxii hore ee Guddiga Doorashada Maamulka Puntland.

0 Comments