Sii wadida jagooyinka wadamada taageeraya ixtiraamka madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
Wadamo badan oo caalamka ah ayaa muujiyay mowqifkooda ku aadan gooni isu taagga Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Boqortooyada waxay ka walaacsan tahay dhibaatada ka sii dareysa ee Geeska Afrika, waxayna intaas ku dartay: “Waxaan mar kale xaqiijineynaa ixtiraamka buuxa ee aan u heyno madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Bayaanka ayaa ku baaqay in la is xakameeyo, lagana wadahadlo sidii loo xalin lahaa arrimaha taagan.
Safaaradda Denmark ee Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay saaxiibada caalamka kula biireyso walaaca ay ka qabaan dhibaatada ka taagan Geeska Afrika.
"Waxaan xaqiijineynaa ixtiraamka buuxa ee aan u hayno midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, waxaana ku boorrinaynaa dhinacyada inay ilaaliyaan nabadda oo ay raadiyaan xal nabadeed oo waara oo arrimaha," ayaa lagu yiri bayaanka.
Turkiga ayaa dhinaciisa walaac ka muujiyay heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuuna caddeeyay inay ka go’an tahay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in tani ay tahay mid looga baahan yahay shuruucda caalamiga ah, wuxuuna caddeeyay rabitaankeeda ah in khilaafka Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhameeyo wada hadal toos ah.
Dawladda Soomaaliya ayaa heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaantay mid daandaansi iyo xad-gudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, waxaanay ka codsatay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay shirar degdeg ah ka yeeshaan arrintan.

0 Comments