Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea

 Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadaneysa ku tagay Asmara


Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadaneysa.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii la socday ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxa ay si diirran ugu soo dhoweeyeen Madaxweyne Isaias Afwerki.

Booqashadan ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Maxamuud uu la kulmo dhiggiisa dalka Ereteriya oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal, ayna ka wadahadlaan arrimaha gobolka iyo kan caalamiga ah ee khuseeya danaha guud.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee lagaga soo horjeedo heshiiskii dhinaca badda ee ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.


Post a Comment

0 Comments