Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo ka dhalatay fatahaado khasaare geystay
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo ka dhalatay fatahaadaha ay saameeyeen dadka ku dhaqan gobollada kala duwan ee Soomaaliya, kuwaasi oo geystay khasaare naf iyo maalba leh.
Shirkan oo ahaa mid deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha adag ee ka dhashay fatahaadihii dalka ka dhacay ee saameeyay in ka badan hal milyan oo qof.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isku dubaridka jawaab celinta degdega ah ee wax ku oolka ah ee dhibaatooyinka bini'aadantinimo. Waxaa dhacay dood ku saabsan qoondaynta kheyraadka, ka-qaybgalka hay'adaha gargaarka caalamiga ah, iyo hirgelinta xeeladaha lagu bixinayo gargaarka iyo taageerada dadka ku barakacay ama ay sida ba'an u saameeyeen fatahaaduhu.
0 Comments