Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Riyaad kula kulmay dhiggiisa Eritrea iyo Ciraaq
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba kulan oo kala duwan la qaatay madaxweynayaasha dalalka Ereteriya iyo Ciraaq, iyadoo uu ka qeyb galayay shir madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.
Madaxweyne Maxamuud iyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Ciraaq Cabdullaif Jamaal Rashiid oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhanka amniga ee dalalkooda, ayna is dhaafsadaan khibradaha iyo xirfadaha la xiriira la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.
Waxaa xusid mudan in ciidamada Soomaaliya ee ay tababartay Eritrea ay kaalin muuqata ku leeyihiin howlgallada ciidan ee ka socda gobollada kala duwan ee dalka.
0 Comments