Madaxweynaha Soomaaliya oo Sacuudiga kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Xasan Sheekh oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Shalay oo Jimco ahayd, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka qeyb galayay Shirka Madaxda Afrika iyo Sacuudiga, kaasi oo ay martigelisay Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.
Maxaa dhacay intii uu shirku socday
Intii uu socday kulanka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONA, waxaa looga hadlay arrimo quseeya labada dal iyo kuwa gobolka.
Jimcihii, Madaxweyne Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika iyo shirka wadajirka ah ee dalalka Carabta iyo Islaamka, isagoo ka soo kicitimay Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu ku soo maray baaritaano caafimaad.
0 Comments