29 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya
Roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa ka da’ay Soomaaliya iyo Kenya
Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Soomaaliya iyo Kenya ayaa dilay ugu yaraan 29 qof, in ka badan 113,000 oo kalena way ku barakaceen.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kadib markii ay daadad ku dhinteen 14 qof, iyadoo kooxaha gurmadka ay ku howlanaayeen sidii ay u samatabixin lahaayeen dad lagu qiyaasay 2,400 oo qof oo weli ku go’doonsan fatahaadda magaalada Luuq ee ka tirsan degmada Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Aragtida Qaramada Midoobay ee dhibaatada
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la daadgureeyo dadka deggan hareeraha webiga Jubba, iyadoo ka digtay khatarta sare ee fatahaadda webiga Shabeelle.
Kenya, Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in 15 qof ay ku dhinteen fatahaadda, iyadoo xustay in fatahaadda ay sidoo kale burburisay 97 hektar oo dhul beereed ah, ayna ku dhinteen 1,067 neef oo xoolo ah.
Roobabkan culus ayaa yimid hal sano kadib markii Geeska Afrika ay ku dhufatay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah, taasoo ay weheliso kor u kaca qiimaha cunnada ee ka dhashay dagaalka Ukraine, taasoo sababtay dhimashada 43,000 oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. oo Soomaaliya qarka u saaran macaluul.
0 Comments