Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka dalka Mudane Xasan Macalin ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska

 Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka oo la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya


Wasiirka Cadaaladda Hassan Moallem, iyo Safiirka UK Michael Nithavrianakis

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya Danjire Michael Nithavrianakis.

Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay taageerada dowladda Ingiriiska ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo doorka caddaaladda ee xasiloonida iyo sidii cadaalad loogu heli lahaa deegaannadii dhowaan la xoreeyey.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka Britain taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments